Kasmo waa barnaamij turjumaad oo af Soomaali ku soo bandhigaya ereyada la xiriira garaad gacmeedka (GG).

Aasaaska GG-ka

Algoorisim

Algorithm

Show definitionHide definition

Waa hab tallaabo-tallaabo ah oo lagu xalliyo dhibaato xisaabeed ama lagu gaaro natiijo gaar ah: xeerar uu kombiyuutarku isticmaalo si uu u xaliyo dhibaato xisaabeed.

Open full reference

All terms 72

Raadi

Af Soomaali · English

    Explore by topic

    Saved

    Saved on this device.

    No saved terms yet. Save a term to find it here.

      Back up saved terms

      Ereyada

      Kasmo waa barnaamij turjumaad oo af Soomaali ku soo bandhigaya ereyada la xiriira garaad gacmeedka (GG).

      72 terms

      Filters
      • Afgarad Koodh

        Code

        Technical
        Definition

        Waa habka abuurista tilmaamo loo yaqaan barnaamijyo oo kombuyuutarku raaci karo si uu u fuliya hawlo. Waxay ku lug leedahay naqshadeyn iyo qorid algoorisimyo — habraacyo talaabo-talaabo ah oo lagu xallinayo dhibaatooyinka — luqad rasmi ah oo kombiyuutarradu fahmi karaan. Koodhintu waxay u oggolaneysaa dadka inay dhisaan barnaamijyo software, otomaatig ka dhigaan hawlo, isla markaana ay maamulaan sida nidaamyada dijitaalka ahi u dhaqmaan.

        Read full term and related terms
      • Algoorisim

        Algorithm

        Technical
        Definition

        Waa hab tallaabo-tallaabo ah oo lagu xalliyo dhibaato xisaabeed ama lagu gaaro natiijo gaar ah: xeerar uu kombiyuutarku isticmaalo si uu u xaliyo dhibaato xisaabeed.

        Read full term and related terms
      • Aqoonta GG

        AI Literacy

        Impact / ethics
        Definition

        Kartida iyo aqoonta ay dadka u leeyihiin Garaad Gacmeedka, si ay u fahmaan, u adeegsadaan, u kormeeraan, oo ay si feejigan uga fakaraan isticmaalka AI GG oo waayadan qayb wayn ka ah nolosha caadiga.

        Read full term and related terms
      • Astaan Farsamayn

        Feature Engineering

        Technical
        Definition

        Habka xog cayriin ah loogu beddelo macluumaad micno leh— oo loo yaqaanaa astaamo—waxayna ka caawiyaan moodeellada isbaridda mashiinka in ay sameeyaan saadaal sax ah. Waxay ka kooban tahay in lasoo saaro qaybaha xogta ee ugu saadaasha wanaagsan (tusaale, heerkulka, waqtiga maalinta) iyo in xogta cayriinka ah loo beddelo astaamahan. Farsamaynta astaamaha waxay si weyn u kordhiyaan saxsanaanta moodeelka.

        Read full term and related terms
      • Awood Xisaabeed

        Computational Power

        Technical
        Definition

        Waa awoodda kombuyuutarradu ay wax ku habeeyaan taasoo muhiim u ah horumarinta iyo hirgelinta nidaamyada AI GG. Maadaama moodeellada AI GG ay sii cuslanaayaan, waxay u baahan yihiin kheyraad xisaabeed badan, taasoo keeni karta in kheyraadkaas ku ekaado shirkado tiro yar oo awood u leh, tani waxay abuuraysa walaac ku saabsan sinaanta, helitaanka, iyo saameynta deegaanka.

        Read full term and related terms
      • Badqab Sugid

        Safety Alignment

        Technical
        Definition

        Waa hubinta in nidaamyada AI GG ay u shaqeeyaan si waafaqsan qiyamka iyo badqabka aadanaha. Ujeedadu waa in yoolalka iyo ficillada moodeelka ay la jaanqaadaan rabitaanka isticmaalaha ama anshaxa, taas oo ka hortagaysa dhaqan waxyeelo leh ama aan la fileyn.

        Read full term and related terms
      • Barasho Bowsi

        Zero-shot Learning

        Technical
        Definition

        Waa marxalad isbaridda mashiinka ah oo moodeelka AI GG uu awoodo inuu aqoonsado oo kala saaro walxo ama fikrado iyadoo aan horey loo tusin tusaalooyin ka tirsan qaybahaas inta lagu jiro tababarka. Waxay ku saleysan tahay aqoon hore iyo xiriiradii uu moodeelku bartey.

        Read full term and related terms
      • Barasho Guurin

        Transfer Learning

        Technical
        Definition

        Waa farsamo uu aqoon laga bartay hawl ama xog uruurin mid ah dib loogu adeegsado hagaajinta barashada hawl kale oo la xiriirta laakiin ka duwan. Tani waxay yaraysaa waqtiga tababarka iyo baahida xogta, maadaama moodeelku uu ku wareejinaayo aqoontii uu bartay hawsha cusub.

        Read full term and related terms
      • Barasho Qoto-dheer

        Deep Learning

        Technical
        Definition

        Waa nooc ka mid ah isbaridda mashiinka oo adeegsada shabakadaha neerfo-gacmeedka ah si ay xogta wax uga bartaan. Shabakadaha neerfaha ee macmalka ah fikirkooda waxaa laga soo qaatay qaabdhismeedka maskaxda aadanaha, waxaana loo adeegsan karaa xallinta dhibaatooyin kala duwan, oo ay ka mid yihiin aqoonsiga sawirrada, habeynta luqadda dabiiciga ah, iyo aqoonsiga hadalka.

        Read full term and related terms
      • Barasho Xoojin

        Reinforcement Learning

        Technical
        Definition

        Waa hab ka mid ah isbaridda mashiinka taaso nidaamka AI GG uu ku barto qaadashada go’aanno isaga oo la falgalaya deegaanka ku xeeran, isla markaana helaya fal-celin sida abaalmarin ficillada wanaagsan iyo ganaax ficillada xun. Ujeedada habkani waa in waqti ka dib la kordhiyo abaalmarinta guud. Habkani wuxuu muhiim u yahay dhismaha nidaamyo is-wadi kara, wax ka baran kara isna si horumarin kara isagoo ka shidaal qaadanaaya is-bedbedelka deegaanka.

        Read full term and related terms
      • Cadaadis Moodeel

        Model Compression

        Technical
        Definition

        Isu-dhimista moodeellada waa farsamooyin loo isticmaalo in lagu yareeyo cabbirka iyo kakanaanta shabakadaha neerfayaasha, iyadoo laga saarayo xuduudo aan muhiim ahayn ama la habeynayo moodeelka si uu u noqdo mid wax-ku-ool ah. Tani waxay dhimaysaa isticmaalka xusuusta iyo tamarta, waxayna dardargelisaa habka saadaasha, iyadoo u sahlaysa in moodeellada lagu rakibo aaladaha leh kheyraad xaddidan, sida taleefannada casriga ah.

        Read full term and related terms
      • Daahfurnaan

        Transparency

        Impact / ethics
        Definition

        Waa in la arki karo qaabka sida nidaamyada AI GG loo dhisay. Dad badan waxay ku doodaan in daahfurnaantu ay qayb ka noqoto dhammaan dhinacyada horumarinta iyo hirgelinta AI GG, laga bilaabo fahamka moodeelka isbaridda mashiinnada iyo xogta lagu tababaray, ilaa fahamka sida xogta loo kala saaro iyo inta jeer ee ay dhacday khaladaad ama eex, iyo sidoo kale isgaadhsiinta ka dhexeysa horumariyeyaasha AI GG, isticmaaleyaasha, daneeyayaasha, iyo sharci-dejiyayaasha.

        Read full term and related terms
      • Dhalanteed

        AI Hallucination

        Impact / ethics
        Definition

        Waa jawaab ay soo saartay AI GG oo ka kooban macluumaad been ah ama marin-habaab ah loona bandhigay qaab xaqiiqo ah.

        Read full term and related terms
      • Dhexkab

        Embeddings

        Technical
        Definition

        Waa lambarro matalaayo xogta—sida erayo, jumlado, ama sawirro—kuwaas oo muujinaya macnaha iyo xiriirka xogta waxayna u dhigan tahay qaab mashiinnadu fahmi karaan. Tusaale ahaan, isbaridda luqadda dabiiciga ah, erayada sida “boqor” iyo “boqorad” waxaa tiro ahaan lagu matali karaa inay yihiin kuwo isku dhow, taasoo muujinaysa isku ekaanshahooda macno. Tani waxay u suurto gelisaa nidaamyada AI GG inay qabtaan hawlo sida turjumaad luqadeed, falanqaynta dareenka, iyo aqoonsiga sawirrada iyadoo la fahmayo macnaha iyo xiriirrada ku dhex jira xogta.​

        Read full term and related terms
      • Dib-u-faafin

        Backpropagation

        Technical
        Definition

        Waa farsamo loo isticmaalo tababarka shabakadaha neerfaha si ay uga bartaan khaladaadkooda. Waxay u shaqeysaa iyadoo saadaasha shabakadu la barbardhigo jawaabta saxda ah, lana ogaado meesha qaladku ka dhacay, ka dibna lagu dejiyo settings (oo loo yaqaan miisaannada) si loo hagaajiyo tan xigta. Habkan waxaa uu gadaal gadaal ugu socda shabakadda, si talaabo talaabo ah, wuxuuna kor u qaadayaa saxsanaanta isbarid kasta.

        Read full term and related terms
      • Eexda Algoorisimka

        Algorithmic Bias

        Impact / ethics
        Definition

        Waa khaladaad nidaamsan oo soo noqnoqda oo ka dhaca nidaamka kombiyuutarka, waxaana ka dhasho natiijooyin cadaalad-darro ah, sida in koox gaar ah la siiyaa mudnaan ka badan kooxaha kale. Eexdu waxay ka dhalan kartaa arrimo badan oo ay ku jiraan qaabka algoorismka loo naqshadeeyey, ama isticmaal aan ula kac ahayn, qaabka xogta loo dhisay, loo uruuriyey, loo xushay, sida algoorisimka loo tababaray, iwm.

        Read full term and related terms
      • Farsamo Godlin

        Prompt Engineering

        Technical
        Definition

        Waa habka qorista ama wanaajinta tilmaamaha la geliyo AI GG Curiye si ay usoo saaraan wax-soo-saar gaar ah oo uu isticmaaluhu rabo.

        Read full term and related terms
      • Garasho-Tabeed

        Explainability

        Impact / ethics
        Definition

        Waa habab u oggolaanaya dadka isticmaala inay fahmaan natiijooyinka iyo wax-soo-saarka ay soo saareen algorisimiyada isbaridda mashiinka. Sida in la fahmo sababta ay natiijo gaar ahi u soo baxday. Hawshaan way adag tahay, maxaa yeelay xitaa farsamo yaqaannada AI GG ayaa laga yaabaa ina aanay garanayn sababta ay natiijo gaar ah u soo baxday.

        Read full term and related terms
      • GG Curiyeed

        Generative AI

        Central
        Definition

        Waa nooc ka mid ah garaad gacmeedka oo abuura waxyaabo cusub sida qoraal, sawirro, muusig, iyo afgarad koodh iyadoo la adeegsanayo xogta lagu tababaray, si u eg hal-abuurka aadanaha. Nidaamyadan AI waxay wax ka bartaan xogo ballaaran si ay u soo saaraan wax-soo-saaro cusub. Qaar ka mid ah GG-da wax-abuurta (tusaale, ChatGPT) waxay isticmaalaan moodeello afeed ballaaran (LLMs) si ay u abuuraan qoraal, sheekooyin, iyo afgarad u eg qoraalka aadanaha. Kuwa sawirrada curiya waxay ku saleysan yihiin moodeellada AI (sida DALL-E, Midjourney, Stable Diffusion, iwm.) waxaana loo adeegsadaa in la curiyo sawirro nolosha dhabta ah ama mala-awaal ah oo laga allifay tilmaamo qoraal ah. Moodeellada GG Curiye waxay inta badan u baahan yihiin qalab khaas ah, kaabayaal kombiyuutarro waa weyn, iyo ilo tamar oo aad u badan. Moodeellada GG Curiye waxay wax ka bartaan xog horey u jirtay, laakiin mar walba waxsoosaarkoodu ma ahan kuwo run ah. Bulshooyinka caalamka waxaa ay maanta ka doodayaan fursadaha iyo khataraha GG Curiye oo adeegsigiisu sii badanaayo.

        Read full term and related terms
      • GG Doceed

        Edge AI

        Technical
        Definition

        Edge AI waxay tixraacaysaa howlgeliinta moodeellada AI-ga ee aaladaha maxalliga ah—sida taleefannada casriga ah, kaamiradaha, ama dareemayaasha IoT—si xogtu ugu habaysanto meel u dhow halka ay ka timid, halkii ay ku tagi lahayd daruurta. Tani waxay yareysaa dib u dhaca (latency), waxayna badbaadineysaa baaxadda gudbinta xogta (bandwidth), waxayna kor u qaadaysaa asturnaanta, iyadoo u sahlaysa in la sameeyo go’aanno waqtiga-dhabta ah xitaa haddii aan internet joogto ah la heli karin.

        Read full term and related terms
      • GG Faafreeb

        Gen AI Censorship

        Impact / ethics
        Definition

        Waa adeegsiga AI GG Curiye si loo kormeero, loo shaandheeyo, loona faafreebo macluumaadka, badanaa ujeedadu tahay in la xakameeyo helista xogta loona xaddido hadalka xorta ah. Tusaale ahaan, dowlad ayaa laga yaabaa inay isku daydo in ‘chatbot’ AI GG ah ay kaga hortagto ka hadalka mowduucyo gaar ah sababo siyaasadeed awgood.

        Read full term and related terms
      • GG Il Furan

        Open-Source AI

        Technical
        Definition

        Waxaa loola jeedaa software-yada koodhkooda asalka ah (source code) uu qof kasta si xor ah u heli karo, si uu u habayn karo ama u wadaagi karo.

        Read full term and related terms
      • GG Khayraad Yar

        Low-Resource AI

        Technical
        Definition

        Habab AI GG oo loogu talagalay luqadaha xogtooda tababar ay xaddidan tahay. Moodelladani waxay badanaa ka amaahdaan aqoonta meela kale oo xogtoodu badan tahay si ay ugu shaqeeyaan macluumaadka kooban.

        Read full term and related terms
      • GG Takoor

        AI Discrimination

        Impact / ethics
        Definition

        Marka nidaamyada AI GG ay xogta ka bartaan il aan dheelitirnayn ama ka tarjumaysa takoorka, waxay soo saari karaan natiijooyin saamayn takoor ku leh dad ama kooxo kala duwan (tusaale, dhan jinsi ama qowmiyad).

        Read full term and related terms
      • GG Xilkas

        Responsible AI

        Impact / ethics
        Definition

        Habka horumarinta iyo adeegsiga nidaamyada garaad gacmeedka ee ku saleysan mabaadi’da anshaxa iyo qiyamka bulshada, kaas oo xaqiijinaya in ay yihiin kuwo ammaan ah, lagu kalsoonaan karo, oo faa’iido u leh bulshada.

        Read full term and related terms
      • Gumaysi Xogeed

        Data Colonialism

        Impact / ethics
        Definition

        In cid awood leh ay si xadgudub ah uga faa’iidaysto xogta, gaar ahaan xogta laga helo bulshooyinka la takooray, waxaana laga dheehan karaa qaababka gumeysiga ee taariikhiga ah, taasoo dhalisa sadbursi iyo sinaan la’aan.

        Read full term and related terms
      • Hab-maamulka

        Gen AI Governance

        Impact / ethics
        Definition

        Shuruucda, xeerarka, iyo siyaasadaha ay dawladuhu ama hay’adaha caalamigu dejisteen si loo xakameeyo horumarinta teknoolojiyada garaad gacmeedka.

        Read full term and related terms
      • Habaynta Afka Dabiiciga

        Natural Language Processing

        Technical
        Definition

        Waa qeyb ka mid ah cilmiga kombuyuutarka iyo Garaad Gacmeedka (AI GG) oo adeegsada isbaridda mashiinka si kombuyuutarada u fahmaan kuna hadlaan luqadda bini’aadamka.

        Read full term and related terms
      • Hal-abuur

        AI Creativity

        Impact / ethics
        Definition

        Kartida ay aaladaha GG-ga ahi ku gacan siiyaan hal-abuurnimada aadanaha iyagoo soo jeedinaya fikrado, ama qabanaayo hawlo otomaatig ah, ama in ay soo saaran macluumaad cusub. GG-gu dhab ahaantii ma laha miyir hal-abuurnimo oo dhab ah, waxayna ku tiirsan tahay xog, tusaalooyin, iyo hagid ay aadanuhu bixiyeen.

        Read full term and related terms
      • Halbeegeyn

        AI Benchmarking

        Technical
        Definition

        Habka lagu qiimeeyo laguna isbarbar dhigo moodeellada AI iyadoo la adeegsanayo hawlo iyo xog uruurin heer caadi ah si loo cabbiro arrimaha waxqabadka sida saxnaanta, xawaaraha, waxtarka, adkeysiga, iyo sinaanta. Tani waxay ka caawisaa horumar-wadeennada inay la socdaan horumarka, aqoonsadaan meelaha ay ku xooggan yihiin iyo meelaha ay ka liitaan yihiin, iyo in la xaqiijiyo in qiimeyn joogto ah oo nidaamsan lagu sameeyo dhammaan nidaamyada AI.

        Read full term and related terms
      • Halis Qiimayn

        AI Risk Assessment

        Impact / ethics
        Definition

        Hab hay’aduhu ay ku aqoonsadaan, ku falanqeeyaan, una yareyaan waxyeellada suurtagalka ah ee la xiriirta nidaamyada AI GG, sida saamayn farsamo, anshax, bulsho, iyo sharci.

        Read full term and related terms
      • Hanti Kasmeed

        Intellectual Property

        Impact / ethics
        Definition

        Waa fikrad, naqshad, iwm ee uu qof abuuray oo sharcigu ka hortago in dadka kale ay nuqul ka sameeyaan. Marka xogta tababarka AI ay ku jiraan walxo leh xuquuqda daabacaadda (iyadoon oggolaansho la haysan), waxaa lagu doodayaa in tani ay jabinayso shuruucda hantida garaadka​.

        Read full term and related terms
      • Isbarid Aan La Kormeerin

        Unsupervised Learning

        Technical
        Definition

        Waa nooc ka mid ah isbaridda mashiinka oo moodeelladu ku bartaan qaababka iyo nidaamka xogta iyaga oo aan haysan tusaalooyin calaamadeysan ama hagitaan bini’aadam ah. Waxay ka caawisaa ogaanshaha xog qarsoon—sida isku xiridda walxaha isku eg, is leh ama helidda khaladaadka aan caadiga ahayn—waxaana loo adeegsadaa hawlo kala duwan sida nidaamyada talo-bixinta, kala saaridda macaamiisha kala duwan iyo sahaminta xogta.

        Read full term and related terms
      • Isbarid Federaalaysan

        Federated Learning

        Technical
        Definition

        Waa hab lagu tababaro moodeellada AI GG iyadoo la adeegsanayo qalabyo ama serverro badan iyada oo aan la wadaagin xogta ceeriinka ah. Qalab kasta waxa uu wax ka baranayaa xogtiisa gaarka ah ee uu leeyahay, kadibna waxa uu moodeelka guud u soo dirayaa oo keliya fariin, tani waxa ay inaga caawinaysa ilaalinta asturnaanta xogta—gaar ahaan marka xogtu tahay mid xasaasi ah ama ku baahsan meelo kala duwan.

        Read full term and related terms
      • Isbarid La Kormeero

        Supervised Learning

        Technical
        Definition

        Waa nooc ka mid ah isbaridda mashiinka oo moodeellada lagu tababaro iyadoo la adeegsanayo xog calaamadeysan—oo macnaheedu yahay in jawaabaha saxda ah hore loo yaqaano—si ay u bartaan qaabab una sameeyaan saadaal sax ah. Waxaa si ballaaran loogu isticmaalaa caafimaadka, maaliyadda, iyo suuqgeynta si xogta loo kala saaro ama loo saadaaliyo natiijooyinka iyadoo lagu salaynayo tusaalooyinkii hore.

        Read full term and related terms
      • Isbarid Mashiin

        Machine Learning

        Technical
        Definition

        Waa isticmaalka iyo horumarinta nidaamyada kombuyuutarka kuwaas oo awood u leh inay wax bartaan oo is-beddelaan iyaga oo aan raacin tilmaamo qeexan, iyagoo adeegsanaya algoorisimyo iyo moodeelo istaatistikis ah si loo falanqeeyo loona soo saaro fikrado iyo macne xogta laga dhex heley.

        Read full term and related terms
      • Isbeddelka Cimillada

        Climate Change

        Impact / ethics
        Definition

        Isbedelka cimillada adduunka waxaa si toos ah ama si dadban ugu lug leh hawlaha aadanaha, tusaale ahaan, sii-deynta gaaska kaarboon laba ogsaydh oo kordhay. Saamaynta taban ee isbedelka cimilada waxaa ka mid ah korodhka heerkulka, sare u kaca heerarka badda, abaarta, iyo daadadka. Soomaaliya waa mid ka mid ah wadamada ugu nugul saamaynta isbeddelka cimillada.

        Read full term and related terms
      • Islaxisaabtan

        Accountability

        Impact / ethics
        Definition

        Waa fikrad ah in AI GG lagu dhiso, ama loo hawlgeliyo, loona isticmaalo qaab xaqiijin karta in mas’uuliyad sharciyadeed loo helo waxyeellada ka dhalan karta AI GG sida in loo xilsaaro shakhsiyaad ama ururro hay'ado ku habboon.

        Read full term and related terms
      • Isticmaal Tamareed

        Resource Consumption

        Impact / ethics
        Definition

        Awoodda xisaabeed ee loo baahan yahay si loo tababaro moodellada AI GG Curiyeed waxay u baahan tahay koronto aad u badan, taasoo keeni karta sii-deynta gaaska kaarboon laba ogsaydh oo si kordha. Intaa waxaa dheer, biyo badan ayaa loo baahan yahay si loo qaboojiyo qalabka loo isticmaalo moodellada AI GG Curiyeed.

        Read full term and related terms
      • Iswadid

        Automation

        Technical
        Definition

        Waa adeegsiga AI GG ah si loo qabto hawlo joogto ah ama soo noqnoqda. Tani waxaa loogu talagalay in la kordhiyo waxtarka iyadoo mashiinnada loo oggolaanayo inay qabtaan hawsha habaynta xogta, falanqaynta, ama go’aaminta, oo u baahnaan lahayd dadaal shaqsi oo badan.

        Read full term and related terms
      • Kaabayaal

        Infrastructure

        Technical
        Definition

        Waa nidaamyada qalabka iyo barnaamijyada lagama maarmaanka u ah dhisidda, tababarka, iyo hawlgelinta codsiyada GG AI.

        Read full term and related terms
      • Kasjile

        Bots

        Impact / ethics
        Definition

        Barnaamij kombuyuutar ah oo qabta hawlo badan oo si otomaatig ah looga fuliyo intarnetka, tusaale ahaan, in uu ku daydo hab dhaqanka dadka qaasatan dhanka intarnetka.

        Read full term and related terms
      • Kobcinta Xogta

        Data Augmentation

        Technical
        Definition

        Kobcinta xogta waa farsamo lagu kordhiyo kala-duwanaanshaha xogta tababarka iyada oo aan la uruurin xog cusub. Waxay abuureysaa tusaalooyin cusub iyadoo la beddelayo kuwii hore—sida dib-u-qorista qoraalka, beddelidda iftiinka sawirrada, ama beddelidda xawaaraha maqalka—si ay moodelladu si fiican ugu shaqeeyaan xog cusub.

        Read full term and related terms
      • Korjogtayn Tusmeed

        Content Moderation

        Impact / ethics
        Definition

        Waa nidaamka uu madal internet (tusaale, shirkad warbaahinta bulshada) ku kormeero oo uu maareeyo waxyaabaha ay dadka isticmaala ku soo daabacaan (tusaale, qoraallada baraha bulshada) iyadoo la raacayo xeerar iyo tilmaamo gaar ah oo madasha u gaarka ah, si loo go’aamiyo in mawaadiicdaas loo oggol yahay inay sii joogaan madasha internet-ka ama in kale.

        Read full term and related terms
      • Madaxbanaanida Dhijitaalka ah

        Digital Sovereignty

        Impact / ethics
        Definition

        Xakamaynta ay dowladdu ku leedahay xogta qaranka, awooddeeda gudaha ee horumarinta teknoolojiyadda dhijitaalka ah, iyo awooddeeda ay ku qaabayso kuna hirgeliso shuruucda la xiriira arrimaha dhijitaalka ah.

        Read full term and related terms
      • Maqaarsaar

        Deepfakes

        Impact / ethics
        Definition

        Waa war been abuur ah oo qof horey ugu jiray sawir ama muuqaal lagu beddelo qof kale, taas oo lagu sameeyo nidaamka barashada qoto-dheer iyo AI GG.

        Read full term and related terms
      • Moodeello Afeed Ballaaran

        Large Language Models

        Technical
        Definition

        Waa moodeello barasho qoto-dheer oo aad u ballaaran oo hore loogu tababaray xog aad u fara badan. Waxay isticmaalaan shabakadaha neerfaha si ay macnayaal uga soo saaraan silsilad qoraal ah oo ay fahmaan xiriirka ka dhexeeya ereyada iyo jumladaha qoraalkaas.

        Read full term and related terms
      • Moodeello Xog-dooriye

        Transformer Models

        Technical
        Definition

        Waa nooc ka mid ah moodeellada garaad gacmeedka ah ee loo qaabeeyey si ay u fahmaan una abuuraan silsilado xog ah—sida jumlado—iyadoo fiiro gaar ah la siinayo dhammaan qaybaha gashiga. Waxa loo adeegsadaa agabka luqadaha sida falanqaynta sawirrada.

        Read full term and related terms
      • Muuqaal Curin

        Video Generation

        Technical
        Definition

        Waa nooc ka mid ah GG Curiye wuxuu abuuraa muuqaallo cusub isagoo baranaya qaababka dhaqdhaqaaqa iyo muuqaallada laga helay duubisyo hore. Waxay soo saartaa muuqaallo dhab u eg ama mala-awaal ah iyadoo lagu salaynayo waxyaabaha la geliyo sida tilmaamo qoraal ama sawirro.

        Read full term and related terms
      • Noocyo-Badane

        Multimodal AI

        Technical
        Definition

        Waa nidaamyo awood u leh inay fahmaan oo isku daraan noocyo kala duwan oo xog ah — sida qoraal, sawirro, ama cod — si isku mar ah. Tusaale ahaan, nidaamkan wuxuu adeegsan karaa xog muuqaal iyo luqad si uu uga jawaabo su’aalo ku saabsan sawir.

        Read full term and related terms
      • Qoraal Curin

        Text Generation

        Technical
        Definition

        Moodeellada afaf-waaweyn (LLMs) waxaa loo adeegsan karaa in ay soo saaraan jawaabo su’aalo ama tilmaamo iyadoo lagu saleynayo istaatisko, waa sida badanaa suurtagalka ah iyo sidoo kale xogta tababarka moodeelka iyo hagaajin dheeraad ah oo moodeelka lagu sameeyo, sida talo-celinta ka yimaada tijaabiyaal bini’aadam ah.

        Read full term and related terms
      • Qoraal Hadalayn

        Speech Synthesis

        Technical
        Definition

        Waa soo saarista hadal qaab macmal ah tusaale ahaan, beddelidda qoraal qoran oo loo badalo cod la maqli karo iyadoo la adeegsanayo moodeellada AI GG ee ku shaqeeya dhawaaqida iyo codadka.

        Read full term and related terms
      • Raadraac Xogeed

        Data Provenance

        Technical
        Definition

        Raad-raacidda meesha xogta ay ka timid, taariikhdeeda, iyo silsiladda ay soo martay. Tani waxay diiwaangelisaa meesha xogtu asal ahaan ka timid, sida loo farsameeyey, iyo cidda farsameysay, si loo hubiyo daahfurnaanta. Marka laga hadlayo AI GG, tan waxa loo adeegsadaa in lagu xaqiijiyo in xogta tababarku ka timid ilo sharci ah oo si sax ah loo farsameeyey, taas oo kor u qaadeysa daahfurnaanta iyo kalsoonida horumarinta moodeelka.

        Read full term and related terms
      • Sargoyn

        Overfitting

        Technical
        Definition

        Waa dhacdo la arko marka moodeelku xogta tababarka si xad dhaaf ah u barto, taasoo keenta in uu si liidata uga shaqeeyo xog cusub oo uusan horey u arkin. Waxa caadi ahaan dhacda marka moodeelku aad u adag yahay marka loo eego xogta la heli karo, wuxuuna sameeya halkii uu ka baran lahaa qaababka guud wuxuu si buuxda u xifdiyaa tusaalooyinka.

        Read full term and related terms
      • Sawir Curin

        Image Generation

        Technical
        Definition

        Waa nooc ka mid ah AI GG Curiye oo abuura waxyaabo muuqaal cusub — sida sawirro, sharraxaad muuqaal (illustrations), ama garaafyo — isagoo baranaya qaababka sawirro hore loo soo saaray.

        Read full term and related terms
      • Shabakad Dareenside

        Neural Networks

        Technical
        Definition

        Waa nooc AI GG ah oo ku dayda qaabdhismeedka maskaxda aadanaha. Halkii la isticmaali lahaa xeerar horey loo dejiyey sida barnaamijyadii hore ee kombiyuutarrada, shabakadda neerfaha ee macmalka ah waxay si tartiib tartiib ah u barata inay aqoonsato oo saadaaliso qaababka xogta.

        Read full term and related terms
      • Sii Hagaajinta

        Fine-tuning

        Technical
        Definition

        Waa habraaca lagu qaabeeyo moodeelka isbaridda mashiinka oo horay loo tababaray si loogu diyaariyo hawl ama xog uruurin gaar ah iyadoo la sii wato tababarkeeda xog cusub oo khuseysa. Habkan wuxuu ku dhisan yahay aqoonta hore ee moodeelka (ee laga bartay xog uruurin guud oo ballaaran) si moodeelku u qaban karo hawlo aad u khaas ah, xitaa marka xog kooban la helo.

        Read full term and related terms
      • Sinnaan La'aanta Dhijitaalka

        Digital Divide

        Impact / ethics
        Definition

        Farqiga dhijitaalka ah waa in aan loo sinnayn helitaanka iyo isticmaalka teknoolojiyada dhijitaalka ah, sida intarnet iyo qalabyada dhijitaalka ah, oo ay kooxo iyo gobollo ku kala duwan yihiin, waxayna keenta kala duwanaansho fursadaha iyo natiijooyinka dadka.

        Read full term and related terms
      • Sumadaynta Moodeel

        Model Watermarking

        Technical
        Definition

        Waa hab qarsoodi ah oo lagu calaamadeeyo moodeelka AI GG ah si loo caddeeyo cidda abuurtay ama iska leh. Qaabka loo sameeyo waa in moodeelka in yar laga beddelo si uu u bixiyo jawaabo gaar ah oo la aqoonsan karo marka la geliyo xog gaar ah—taas oo ka caawisa in la ogaado haddii moodeelka la nuqulay ama la xaday.

        Read full term and related terms
      • Turjumo Kaaliye GG

        AI-Assisted Translation

        Technical
        Definition

        Waa turjumaadda otomaatig ah in qoraalka loo beddelo luuqado kala duwan iyadoo la adeegsanayo AI GG. Moodeelladu waxay wax ka bartaan xog ballaaran oo laba-luuqad ah si ay qoraal uga badalaan luuqad ugana dhigaan luqad kale. Nidaamyadan waxay fuliyaan hawsha turjumidda si otomaatig ah ama iyadoo lasii marsiinaayo sixitaan bini’aadam.

        Read full term and related terms
      • Walxaha Intarnetka

        Internet of Things

        Technical
        Definition

        Walxaha Intarneetka (IoT) waa shabakad ka kooban walxo leh dareemayaal, karti farsameed, iyo isku xirnaan, taasoo u oggolaanaysa in ay xog isdhaafsadaan qalab kale ama nidaamyo kale. Qalabka IoT (sida aaladaha casriga ah ee guryaha ama dareemayaasha warshadaha) ayaa isku xira internetka si ay xog u uruuriyaan una wadaagaan, taasoo sahlaysa hawlo sida kormeerka fog iyo otomaatiga.

        Read full term and related terms
      • Xarumo Xogeed

        Data Centers

        Technical
        Definition

        Waa dhismo heerkulkiisu la xakameeyey oo ay ku jiraan kaabayaasha kombiyuutarka sida server-yada, qalabka kaydinta xogta, iyo agabka shabakadaha. Xarumahan waxaa loo isticmaalaa horumarinta iyo hawlgelinta AI curiyeedka.

        Read full term and related terms
      • Xog Gooniyeed

        Data Privacy

        Impact / ethics
        Definition

        Xog Gooniyeed waa qayb ka mid ah amniga macluumaadka oo diiradda saarta gacan ku haynta habboon ee xogta – sida ogolaanshaha, ogeysiiska, iyo waajibaadka sharciga. Xog Gooniyeed waxay badanaa ku saabsan tahay sida xogta loola wadaagi karo shaqsi kale, urur ama gacan saddexaad.

        Read full term and related terms
      • Xog Gurid

        Data Scraping

        Technical
        Definition

        Waa hab otomaatig ah oo tignoolajiyaddu xog ka soo qaado barnaamijyo ama bogag internet gaar ah ujeedooyin kala duwan, taasi badanaana waxay ku dhammaataa in xogta la isu keeno si loo falanqeeyo.

        Read full term and related terms
      • Xog Sheelid

        Data Anonymization

        Technical
        Definition

        Waa qaab xogta looga saaro macluumaadka lagu aqoonsan karo shaqsi si aanan qof xogta looga dhex aqoonsan. Farsamooyinkan baabi’inta aqoonsiga (sida ka saaridda magacyada ama daboolidda aqoonsiyada) waxaa loogu talagalay in lagu ilaaliyo asturnaanta xogta iyada oo laga hortagayo in qofka iyo xogta la isku xiro, iyadoo la ilaalinayo faa’iidada ay xogta u leedahay in la falanqeeyo.

        Read full term and related terms
      • Xog Tababar

        Training Data

        Technical
        Definition

        Waa xog la diyaariyey oo calaamadeysan (tusaale ahaan qoraal, sawirro, maqal ama muuqaal) oo loo isticmaalo in lagu baro moodeellada isbaridda mashiinka (ML) inay bartaan qaabdhismeedka xogta, saadaasha, ama inay qabtaan hawlo gaar ah. Xogta tababarka waxay ka kooban tahay xog-gelis ah iyo natiijada saxda ah (calaamadda), taasoo u suurtogalinaysa moodeelka inuu wax ka barto waayo-aragnimadiisa. Tayada, tirada, iyo kala duwanaanshaha xogta tababarka waxay si toos ah u saameeyaan waxsoosaarka AI GG.

        Read full term and related terms

      Search Kasmo

      Type a Somali or English term.

      Browse all 72 terms