Back to terms
Central

GG Curiyeed

Generative AI

Af Soomaali

Waa nooc ka mid ah garaad gacmeedka oo abuura waxyaabo cusub sida qoraal, sawirro, muusig, iyo afgarad koodh iyadoo la adeegsanayo xogta lagu tababaray, si u eg hal-abuurka aadanaha. Nidaamyadan AI waxay wax ka bartaan xogo ballaaran si ay u soo saaraan wax-soo-saaro cusub. Qaar ka mid ah GG-da wax-abuurta (tusaale, ChatGPT) waxay isticmaalaan moodeello afeed ballaaran (LLMs) si ay u abuuraan qoraal, sheekooyin, iyo afgarad u eg qoraalka aadanaha. Kuwa sawirrada curiya waxay ku saleysan yihiin moodeellada AI (sida DALL-E, Midjourney, Stable Diffusion, iwm.) waxaana loo adeegsadaa in la curiyo sawirro nolosha dhabta ah ama mala-awaal ah oo laga allifay tilmaamo qoraal ah. Moodeellada GG Curiye waxay inta badan u baahan yihiin qalab khaas ah, kaabayaal kombiyuutarro waa weyn, iyo ilo tamar oo aad u badan. Moodeellada GG Curiye waxay wax ka bartaan xog horey u jirtay, laakiin mar walba waxsoosaarkoodu ma ahan kuwo run ah. Bulshooyinka caalamka waxaa ay maanta ka doodayaan fursadaha iyo khataraha GG Curiye oo adeegsigiisu sii badanaayo.

Ingiriis

Generative AI is a type of artificial intelligence that can create new content like text, images, music, and code, based on the data it's trained on, mimicking human creativity. These AI systems learn patterns and structures from massive datasets in order to generate new outputs. Some generative AI (like ChatGPT) use large language models to create human-like text, stories, and code. Image-based AI models (like DALL-E and Midjourney) can create realistic or surreal images from text prompts. Generative AI models often require large-scale computing infrastructure and massive amounts of energy. Generative AI makes predictions based on existing data, it does not always represent the truth. Societies around the world are debating the opportunities and risks of generative AI as it becomes used more widely in society.

Search Kasmo

Type a Somali or English term.

Browse all 72 terms